Deeq A. Posted June 27, 2019 Cadaado (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shirar gooni gooni ah oo xalay ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Kulamadan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo xalay ku hoyday gudaha magaaladaasi. Sidoo kale waxaa kulamada ka qeybgalay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole oo ka soo soo jeeda maamulkaasi. Shirarkan ayaa intooda badan waxaa diirada lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee Galmudug, gaar ahaan sida loo wajahayo doorashada maamulkaaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in wax natiijo ah aan la gaarin, balse lagu ballamay kulamo kale oo maanta ka dhacaya halkaasi. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Galgaduud ayaa dadaal xoogan ku bixinaya xalinta xiisadaha taagan Galmudug. Khayre ayaa horay ugu dhawaaqay in doorashada lagu qabanayo Dhuusamareeb, halka taasina uu ka soo horjeedo Xaaf. Afarta bisha soo socota ee Julay ayaa la filayaa inay qabsoonto doorashada, balse waxaa weli jira caqabada ka horreeya oo u baahann xalin deg deg ah. Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites