Deeq A. Posted June 27, 2019 Cadaado (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasal Cali Khayre oo xalay ku hoyday Cadaado ayaa kulamo ka bilaabay gudaha magaaladaasi. Kulamadan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in Ra’iisul wasaaruhu uu la qaadanayo Xaaf, Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada BFS ee ku sugan halkaasi Intooda badan kulamadan ayaa diirada lagu saarayaa xaaladda Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada ee maamulkaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Khayre saacadaha soo socda uu booqan doono degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Khayre ayaa dadaallo nabadeed oo xal raadin ah ka wada deegaanada dowlad goboleedka Galmudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites