Sign in to follow this  
Deeq A.

Falastiinta Oo Ka Hor-yimid Natiijada Ka Soo Baxday Shirkii Nabadeynta Ee Lagu Qabtay Dalka Baxreyn

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaza)-Hogaamiye-yaasha Falastiin aan ka hor yimid shirka nabadeynta iyo dhaqaalaha ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Manama ee caasimada Baxreyn.

1561581440f2a70.jpg

Shirka oo socday laba maalin ayaa waxaa hormuud ka ahaa la-taliyaha aqalka cad ee Mareykanka, Jared Kushner.

Madaxda Falastiin ayaa tilmaamay in shirkaan markii horeba ay ka soo hor jeedeen maadama uu ahaa mid aan lagu qeexin mustaqbalka siyaasadeed ee dalkooda una xaglinaya Israa’iil.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in dhaqaalaha $50 Billion oo uu wax ka qabanayo amniga sarena uu u qaadi doono kobaca dhaqaale ee bariga Dhexe.

Hanan Ashrawi oo ka tirsan saraakiisha xoreynta Falastiin oo loo yaqaan (PLO) ayaa sheegay in ay ka soo horjeedan shirka lagu soo afmeeray magaalada Banama.

Jared Kushner oo ah wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Trump ayaa gabagabadii shirka ku booriyay madaxda Falastiin ee dibad jooga ka ah shirka ay aqbalaan heshiisyadii lagu saxiixay Shirka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this