Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maamulka Degmada Warsheekh Oo Xalliyey Khilaaf Ka Dhaxeeyay Beello Walaalo Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ku guuleystay iney xalliyaan khilaaf u dhaxeeyey beello walaalo ah oo ku dhaqan degmadaasi iyo nawaaxigeeda.

Beelahan ayaa kala dhacay inta khilaafkoodu jiray Labo gaari oo kuwa xamuulka ah iyosidoo kale Saddex neef oo geel ah.

Guddoomiyaha degmada Warsheekh, Korneyl Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) ayaa isku keenay waxgaradka Labadan beel, si loo dhammeeyo khilaafkan.

Heshiis kadib waxay beelahan isku celiyeen gaadiidkii iyo xoolihii ay kala dhaceen, iyadoo waxgaradku uu ballanqaaday ineysan arrintan oo kale soo noqon doonin.

Guddoomiye Shiidka ayaa ugu baaqay beelahan walaalaha ah iney iska cafiyaan wax walbo oo dhacay, sidoo kalena lagu dedaalllo in mar kale aysan dhicin falkan oo kale.

Hoos ka arag sawirada:

11.jpg 10.jpg 009.jpg 008.jpg 007.jpg 006.jpg 005.jpg 004.jpg 003.jpg 002.jpg 001.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this