Deeq A. Posted June 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warqad been abuur ah oo baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday Wasiir ku-xigeenka Batroolka Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal. “Wasaaradda warfaafinta waxa ay beenineysaa warqadda Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Mudane Hilaal” Dowladda Soomaaliya ayaa dabagal ku heysa dadka wararka beenta ah ku faafiya baraha Bulshada ama warbaahinta kale. View the full article Share this post Link to post Share on other sites