Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo culeys weyn saaraya wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Danjiraha Mareykanka u fadhiya Somaliya, Donald Yamamoto oo u waramayey mid kamida telefishanada Somalida ayaa waxa uu ka hadlay doorashooyinka Somaliland iyo wada-shaqeynta Somaliya iyo Somaliland.

Danjire Yamamoto ayaa sheegay in Mareykanku aaminsan-yahay in xasiloonidu ay ku imanayso dowlad wanaaga iyo in la oofiyo balamaha dhowrista dimuquraadiyadda ee loo qaadayo hogaamiyeyaasha iyo guud ahaan bulshadaba.

Yamamoto ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in cid kasta oo dooneysa inay maal-gashi ka sameysato Somaliya ay marka hore daraasad ku sameyn doonto dawlad wanaaga ka jirta deegaanadaasi.

“Waxaa imanaysa in hadda kaddib ay ku soo jeestaan indhaha dunidu. Taas macnaheeduna waa in Soomaaliya iyo Somaliland-ba si gaar ah indhaha loogu hayn doono sida ay ula macaamilaan xuquuqda aadamaha, hay’adaha xuquuqda ee rayidka, ammaanka, sida ay dadkooda ula macaamilaan Iyo sida oo kale, habka ay haweenka iyo carruurta ula shaqeeyaan” ayuu yiri Danjiruhu.

Danjire Yamamoto ayaa waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Somaliland aysan weli aqoonsi ka helin beesha caalamka, sidaasi darteedna uu Mareykanku u arkayo in uu xooga saaro in Dowladda Federaalka, Somaliland iyo dhamaanba maamul-gobaleedyada dalku ay sameeyan is dhex-gal, xaga dhaqaale iyo xag walba ah.

Yamamoto ayaa si gaara u cara-baabay is dhexgalka Somaliya iyo Somaliland inuu wax badan ka badali doono sida ay hadda yihiin, wuxuuna yiri “Runtii haddii aad eegto Somaliland iyo Soomaaliya horusocod ayaa ay samaynayaan. Waana ay caawinayaan in hore loo socdo, hore ayaa ay u socdaan. Waxa aanan filayaa in shanta sano ee soo socda aad arki doonto in ay aad uga duwanaadeen sida ay hadda yihiin”.

Ugu dambayntiina, Danjire Yamamoto waxa uu ka dhawaajiyey in Somaliya iyo Somaliland ay ku qasban yihiin inay yeeshaan wada-shaqayn dhinacyada oo dhan ah, si ay horu-socod u noqdaan oo ay u horumaraan.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this