Sign in to follow this  
Deeq A.

SACIID DENI oo u yeeray Jeneraalo uu ku jiro Morgan iyo qorshaha ka dambeeya

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay qasriga Madaxtooyada Garoowe qado sharaf ugu sameeyey qaar ka mid ah Janaraalada Puntland oo uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Janaraal Cabdisemed Cali Shire.

Kulanka qado sharafta ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Saraakiil ciidan iyo la-taliyayaal Amniga oo kulanka qeyb ka ahaa.

Xubnaha uu u yeeray Deni ayaa waxaa ka mid ah Jeneral Maxamed Saciid Xirsi Moorgan oo aad looga yaqaan Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa wada qorshe xooggan oo lagu tayeynay ciidamada Puntland, taasi oo qeyb ka ah ballan-qaadyadii uu sameeyey intii aan la dooran, isaga oo sheegay inuu soo celin doono dhammaan dhulka laga haysto Puntland, oo ay haysato Somaliland.

Deni ayaa sida uu sheegay tiigsanaya dhismaha ciidanka iyo in ahmiyadda kooowaad la siiyo waxtarka iyo dhiirigalinta ciidanka qalabka sida, si loo soo afjaro kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab iyo Daacish, sidoo kalena la sugo amniga xuduudaha dalka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa masuuliyiinta kala tashanaya xaaladdaha amni ee dalka maadaama Puntland ku dhisan tahay wada-tashi, talo-wadaag iyo wax wadalahaansho dhanwalba ah, Janaraaladuna kamid yihiin waxgaradka iyo indheer garadka dalka ee arrimaha Amniga.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this