Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Safarka Kheyre ee Dhuusamareeb iyo qorshaha ka dambeeya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ayaa Casir liiqii Maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federalka, mas’uuliyiin ka tirsan dowla goboleedka Galmudug gaar ahaan garabkiisa Ahlu Sunna iyo dadweyne.

Booqashada Khayre ku tegay Dhuusamareeb ayaa ku soo beegmaysa kadib markii uu isga tegey magaalada Dhuusamareeb Madaxweynihii Galmudug Axmed Ducaale Geel Xaaf isla markaana ay Wasaarada Arrimaha Gudaha soo saartay warsaxaafadeed lagu sheegay in doorashada Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb 4ta bisha July ee sanadkan.

Ujeedada ka dambeyso safarka Kheyre ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa ah inuu wada hadal la furo Maamulka Ahlu Sunna si ay labada dhinac u kala saxiixdaan heshiis.

Ra’isulwasaaraha ayaa qodobada uu Ahlu Sunna kala hadli doono waxaa ugu muhiimsan:

1) Inay Ahlu Sunna aqbasho soo wareejinta Ciidamada ku sugan Dhuusamareeb iyo Guriceel, isla markaasna halkaas ay ka taliyaan Ciidamo ka amar qaato Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ah qodobka ugu adag oo ay labada dhinac isku hayaan.

2)  Dowladda Soomaaliya ayaa Ahlu Sunna ka rabto inay joojiso magaca Ahlu Sunna ee loo isticmaalayo Siyaasadda isla markaasna wixii hadda ka dambeeyo ay cid kasta xilka rabto u raadsato qaab qabiil.

Labadaan qodob ayaa ah kuwa ugu muhiimsan oo uu Kheyre kala hadli doono Ahlu Sunna, inkastoo ay jiraan shuruudo kale oo ay Ahlu Sunna wadato oo ay kamid tahay in la siiyo lacag 4 Malyan ah, in xil loo magacaabo wiilka uu dhalay Macalin Maxamuud ee Cabdisamad iyo in Macalin Maxamuud loo xukmiyo guri ku yaal Muqdisho oo uu muran ka taagan yahay.

Ra’isulwasaaraha ayaa la filayaa inuu halkaas ku sugnaado dhawr maalin, wuxuuna sidoo kale la kulmi doonaa Odayaal dhaqmayeedka kasoo jeedo deegaanadaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this