Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo wada-tashi ugu yeeray Jenaraallo uu ku jiro Moorgan

Recommended Posts

Deeq A.   
1-25.jpg?w=1000&ssl=1Kulanka madaxda Puntland iyo Jenaraallada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe qado sharaf ugu sameeyey qaar ka mid ah Janaraalada Puntland oo uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Janaraal Cabdisemed Cali Shire.

Kulanka qado sharafta ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Saraakiil ciidan iyo la-taliyayaal Amniga oo kulanka qeyb ka ahaa.

Kulan ayaa salka ku hayey is xogwaraysi guud oo uu Madaxweyne Deni la yeelanayo Janaraalada Puntland ee ku suntan taariikhda dhismaha ciidamada Puntland, tani waxa ay qayb ka tahay balanqaadyadii Madaxweynaha ee tayaynta ciidamada, tiigsiga dhismaha ciidanka iyo in ahmiyadda kooowaad la siiyo waxtarka iyo dhiirigalinta ciidanka qalabka sida, si loo soo afjaro kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab iyo Daacish, sidoo kalena la sugo amniga xuduudaha dalka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa masuuliyiinta kala tashanaya xaaladdaha amni ee dalka maadaama Puntland ku dhisan tahay wada-tashi, talo-wadaag iyo wax wadalahaansho dhanwalba ah, Janaraaladuna kamid yihiin waxgaradka iyo indheer garadka dalka ee arrimaha Amniga.

PUNTLAND POST

The post Deni oo wada-tashi ugu yeeray Jenaraallo uu ku jiro Moorgan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this