Sign in to follow this  
Deeq A.

MADAXWEYNE FARMAAJO: Waxaanu doonaynaa inaan yeelanno Dowlad dhexe oo Awood leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlayay maanta xaflad ay ku qalin-jabinayeen ardaydii u horreysay oo ka qalin-jabiyay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed tan iyo markii dib loo furay sanadkii 2014-kii, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dowlad dhexe oo awood leh.

Farmaajo ayaa sheegay in doodaha ka socda maamul-goboleedyada dalka ay qayb ka yihiin qorsha lagu dhisayo dowladnimada dalka, sidoo kalena lagu xoojinayo federaalkiisim-ka dalka lagu hoggaamin doono.

“Doodaha socda waa kuwo lagu xoojinayo horumarinta dowladnimada dalka, inkastoo maamullada dalka ka jira ay nagu eedeeyaan inaan doonayno inaan awoodda dalka oo dhan la wareegno, balse innagu waxaan aaminsan-nahay in aan nahay federaalka saxda ah, waayo waxaanu rabnaa in la helo dowlad dhexe oo awood leh,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha DF ayaa sharraxaad ka bixiyay dowladda dhexe ee ay doonayaan inuu dalku yeesho, wuxuuna xusay inay doonayaan in la helo dowlad leh ciidan difaaci kara dalka, dowlad ilaashan karta xuduudaha ay la leedahay dalalka kale ee dariska ah iyo sidoo kale dowlad fulin karta dhammaan hawlaha ay bulshadu uga baahan yihiin.

“Cid walba oo aan doonayn federaaliisim-ka waan kasoo horjeednaa, waayo waxaan doonaynaa in dalku uu ku dhaqmo nidaamka federaalka ah. Waxaa jira hawlo ay gaar u leeyihiin maamul-goboleedyada, waana ku taageeraynaa, balse doonista dowladda dhexe waa in la helo dowlad awood leh oo dalka oo dhan hanan karta,” ayuu madaxweyen Farmaajo mar kale ku yiri hadalkiisa.

Dhanka kale, Dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday inay dowladda iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira soo dhex-galaan oo ay saxaan, isagoo xusay inay diyaar u yihiin in haddii lagu eedyo inay qaldan yihiin ay isi sixi doonaan.

Ugu dambeyn, Hadalka madaxweynaha Somalia ee ku aaddan murannada u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo maamul-goboleedyada dalka qaarkood ay meel xun marayaan, waxaana doodahaas kuwa ugu xooggan ay xilligan ka socdaan Galmudug.

PUNTLAND POST

The post MADAXWEYNE FARMAAJO: Waxaanu doonaynaa inaan yeelanno Dowlad dhexe oo Awood leh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this