Deeq A. Posted June 23, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in goor dhow uu isaga baxay magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo muddooyinkan ku sugnaa magaaladaasi. Madaxweyne Xaaf ayaa u dhaqaaqay duleedka Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen Ciidamo uu hoggaaminayay wasiirka Maaliyadda Galmudug Siciid Siyaad Shirwac. Lama oga halka uu ambabixi doono Xaaf oo ka biyo diiday ka qeyb galka kulamo ka socday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha XFS saacadaha soo scoda uu ku wajahan Galmudug, si uu ugu biiro wadahadallada ka socda maamukaasi. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh ku bixineysa sidii bisha July ee soo socota loo qaban lahaa doorashada maamulka Galmudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites