Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Masaajid Ku Yaalla Dalka Ciraaq

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Baqdaad)-Dhowr qof ayaa lagu dilay qarax ka dhacay masaajid ay leedahay shiicada oo ku yaalla magaalada caasimada ah ee Baqdaad sida ay booliska Xaqiijiyeen.

1561132213f9e01.jpg

Qaraxaan ayaa salaadii jimcaha ee maanta ka dhacay masaajidka Imam Mahdi al-Muntadhar ee ku yaalla xaafada Baladiyat ee ka tirsan degmada Sadr.

Taliye ka tirsan ciidanka Booliska oo lagu magacaabo Ahmed Khalaf ayaa u xaqiijiyay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu in nin watay jaakada uu isku qarxiyay Masaajidka.

Captain Axmed ayaa sheegay in isla goobta ay ku dhinteen 10 qof oo ku sugnaa gudaha masaajidka, inkastoo wararka kale ay sheegayaan in dhimashada ay intaa ka badan tahay.

Ma jirto ilaa iyo hada cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyada Weerarkaan.

Dalka Ciraaq ayaa mudo sanado ah la daala dhacay amni-darro baahsan iyo weeraro ku saleysan dhanka diimaha oo lagu dilay kumanaan qof.

Dowlada Baqdaad ayaa sanadkii 2017 sheegatay inay ka adkaatay kooxda la magac baxday dowlada Islaamka, walow taasi ayna baajin weerarada lagu qaadayo goobaha ay dadweyanaha iskugu Yimaadaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this