Deeq A. Posted June 20, 2019 Boosaaso (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada amaanka ee Puntland ayaa sheegay inay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay Suuq ku yaala magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Ciidamada amaanka ee Puntland waxay sheegeen in qaraxaasi uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana la geliyay meel ku dhow isgoyska Gaaca ee Suuqa magaalada Boosaaso, waana bartamaha Suuqa. Arinta ayaa timid kadib markii ciidamada amaanka Mid kamid ah uu arkay qaraxa oo la geliyay Suuqa, waxaana kadib la xeray waddooyinka Suuqa gala, iyadoo kadib goobta laga saaray. Saraakiil u hadashay ciidamada Puntland ayaa sheegay kaliya inay miinada soo saareen, mana jirin faahfaahin dheeri ah oo laga bixiyay miinada iyo in lasoo qabtay dadkii ka dambeeyay aaska miinada. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa kordhayay amni darada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana ciidamada ay sameynayeen baaritaanada amaanka lagu xaqiijinayo. Saraakiisha Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baaritaanada amaanka lagu xaqiijinayo, waxaana jirto cabsi laga qabo in kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ay weeraro ka geystaan magaalada Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites