Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo Howlgalladoodi ugu dambeeyay War ka soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Dagaalamayaasha Al-Shabaab Sheekh Cabdil caziiz Abuu Muscab oo qabtay shir jaraa’id oo lagu faafiyay Baraha Internetka Al Shabaab ayaa uga warbixiyay  howlgalladii ugu dambeeyay ee ay Dagaalamayaashoodu  ka fuliyeen Gobolka Waqooyi Bari Iyo Soomaaliya.

Sheekh Abuu Muscab, wuxuu si gaar ah usoo hadal qaaday howlgalladii u dambeeyey ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanada Gobolka Waqooyi Bari  ee ay ka arrimiso  dowladda Kenya, isagoona ka hadlay khasaaraha ka dhashey weeraradaas.

Wuxuu xusay in illaa 5 Howlgal oo kala duwan ay halkaas ka fuliyeen kuna dileen inkabadan 10 Askari oo Kenyan ah , sidoo kale ay ku soo qafaasheen illaa 3 Askari oo Kenyan ah iyo Saanad dagaal.

Wuxuu sidoo kale Afhayeenku soo hadal qaaday qaraxyadii Maalin ka hor  ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay in ay  gallaafteen  nolosha inkabadan 50 xubnood oo  katirsan dowladda federaalka Somalia sida uu Hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Afhayeenka Dagaalamayaasha  Al-Shabaab ayaa ka hadl howlgal uu ku sheegay mid gaar ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo kaas oo lagu dilay sarkaal lagu magacaabo Cali Dhiif oo katirsanaa sirdoonka maamulka Galmudug.

Sarkaalkaan Lagu Magacaabi jiray Cali Dhiif ayaa ah Sarkaalkii dilkiisa kadib Maleeshiyo ku heyb ahayd ay ku laayeen dad fara badan oo aan waxba galabsan kuwaas oo ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this