Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Sweden oo ka laabatay xayiraadii socdaal ee ka dhanka ahayd Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Sweden ayaa markii u horeysay shaacisay inay xukuumadoodu ay ka qaaday xayiraadii dhanka socdaalka ee saarneyd caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wasaarada Arrimaha Dibeda ee dalka Sweden, ayaa shalay arrintaasi ku shaacisay war qoraala oo ay soo saartay , taasi oo ay ku sheegen in magaalada Hargeysa ay tahay meel amaan ah oo loo safri karo.

Wakiilka Somaliland ee dalka Sweden, Sekeriye Xasan Waceys ayaa ka hadlay talaabada ay dowladda Sweden uga qaaday magaalada Hargeysa xayiradii socdaalka, wuxuuna yiri

“Waxaan jeclahay in aan ka hadlo arrin soo korodhay oo ay Wasaarada arrimaha dibeda ee dalkan Sweden iyo xukuumaduba ay garwaaqsadeen inay ka jirto nabad Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, oo ay kaga saareen liiskii dhulalka aan nabad aheyn”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waanu soo dhoweynaynaa ka xukuumad ahaan, shacbiga Sweden-ba iyo Xafiiska wakiilka Somaliland ee Sweden, Runtii midaasina waa shaqooyinka faraha badneyd ee xafiiska iyo inta la shaqeysaba ay soo wadeen oo aanu leenahay waa guul bilowgeed”.

“Run ahaantii waxaan jecelnahay in xukuumada Sweden kusii boorino in ay xaqa iyo xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland, nabadeeda iyo dal ahaanteedaba ay dhawaan kusoo bandhigan oo ay u soo gudbiyan adduunyada, mar labaadna waanu ka mahad-celineyna dowladda Sweden”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this