Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo sheegatay in ay soo af-duubatay askar ka tirsan ciidamada Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegay in hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degaanno hoos yimaada magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari Kenya ay ku soo afduubteen askar ka tirsan Booliiska dalka Kenya.

Qoraal ka soo baxay Al-shabaab oo lagu daabacay warbaahinta taageerta ururkaasi ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay askar ka tirsan Booliiska Kenya ku soo qafaasheen weerar qorshaysan oo ay ka fuliyeen degaan hoos yimaada magaalada wajeer ee gobolka Waqooyi bari Kenya islamarkaana ay gacanta ku dhigeen laba mooto iyo agab ciidan oo kala duwan kadib markii ay qabsadeen xarun Booliis.

Dowladda Kenya weli wax hadal ah kama soo saarin sheegashada Al-shabaab ee ku aaddan in ay soo af-duubteen askar ka tirsan Booliiska Kenya iyo in ay gacanta ku dhigeen agabyo kala duwan oo ciidan.

Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa sheegtay in saddex xubnood oo loo malaynayo in ay Al-shabaab ka tirsanaayeen ay Khamiistii shalay la qaraxday miino ay ku aasayeen kaynta Boni oo ku taalla degaanka Lamu ee dalka Kenya.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo sheegatay in ay soo af-duubatay askar ka tirsan ciidamada Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this