Sign in to follow this  
Deeq A.

Wershad Cusub oo Berbera laga hirgaliyey iyo Fursadaha Shaqo abuur ee ay wershaduhu leeyihiin.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wershaddii Koowaad ee daqiiqda ” Soomaaliland Flour Mill, ayaa laga hirgaliyey Gobolka Saaxil magaaladdiisa Berbera, Wershadan ayaa noqonaysa Wershad lagaga Maarmo daqiiqdii innooga iman jirtay Dibada Taas oo kor u qaadaysa Waxsoosaarka iyo Horumarka dalka ka socda, waxaannay kor u qaadaysaa sumcadda waddankeena, Wershadan ayaa waxa ka hawlgali doonna shaqaale badan oo muwaadiniin ah, kuwaas oo yarayn doonna shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta. Wershadadan daqiiqda ayaa kor u qaadi doonta dhaqalaaha dalka ee dhinacyadda cashuuraha dhoofinta iyo dajinta ba leh, wershadan waxaa xadhiga ka jari doonna Madexweyne Muuse Biixi iyo wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo. The Flour Mill ayaa laga yaabbaa innay sabab u noqoto in maalgashayaal badani ku daydaan Ganacsataddan. Ganacatadan ayaa lacag Malaayiin doolar ah galiyey wershadan, iyagoo ujeedkoodu ahaa innay kor u qaadaan horumarka Soomaaliland iyo shaqo abuurka dalkaba. Hirgalinta Wershadaha ayaa Soomaaliland ka bilaabmay Sannadihii u dambeeyay iyada oo laga yaabbo in sanadaha soo socda Soomaaliland noqoto Waddankii Wershadaha.

Farxaanmxd@gmail.com
Rakad Mxd Sultan
Berbera

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this