Sign in to follow this  
Deeq A.

War Deg-deg: Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Tuke-raq

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Abaarro 2-dii habeennimo ee Xalay waxa dagaal bariga deegaanka Tuke-raq ee Gobolka Sool ku dhex maray Ciidammada Somaliland ee halkaa fadhiisimada ku leh iyo Ciidamo la sheegay inay ahaayeen kuwa Khaatumo.

wararka-dag-dag-1-1.jpg

Ciidamo ka mid ah kuwa Khaatumo ayaa Weerar ku qaaday Ciidammada Somaliland ee fadhiisinimada ku leh Tuke-raq, gaar ahaan Saldhigga dhanka Bariga, waxaana halkaa ka dhacay Dagaal la isku adeegsaday Noocyada kala gedisan ee Hubka.

Weriyaha HCTV ee Sool oo Somalilandtoday warkan ka soo xigatay ayaa waxa uu sheegay in Sarkaal ka mid ah Khaatumo uu u sheegay in Ciidamadoodu Weerar ku qaadeen Ciidammada Somaliland ee fadhiya bariga degmada Tuke-raq, balse illaa hadda lama oga khasaaraha soo kala gaadhay labada dhinac.

Dhanka kale, Dadka ku nool deegaanka uu Dagaalku ka dhacay ayaa Weriye Olol u sheegay inay ku tooseen deryanka hubka, arrintaasina ay cabsi ku abuurtay.

Halkan kala soco wixii warar ah ee ka soo kordha

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this