Deeq A. Posted June 10, 2019 Baardheere (SMN) – Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Dhamme, Cali Maxamed Xasan oo la hadlay Warbahinta ayaa ka warbixiyay howlgallo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Howlgallada oo laga fuliyay agagaarka degmada Baardheere ayuu taliyuhu sheegay in ay kula waregeen Tuulooyinka Bakal, Mataanaha iyo Buurweyn oo dhaca Webiga labadiisa geddi. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ay dadka deegaanku soo dhaweeyeen, markii ay tageen Tuulooyinkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites