Deeq A. Posted June 9, 2019 Dhuusomarbee (SMN) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta beeniyay in uu jiro khilaaf cusub oo soo kala dhexgalay isaga iyo madaxa Xukuumadda maamulkaasi Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan. War qoraal ah oo lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah. “Waxba kama jiraan wararka lagu baahiyey Baraha Bulshada ee la xiriira kala aragti-duwanaan u dhexeysa Madaxda Galmudug”. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli Warbaahinta qaar saacadihii la soo dhaafay ay warisay in uu jiro khilaaf cusub oo soo kala dhex galay Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, kaas oo ku aadan arrimaha doorashada maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites