Sign in to follow this  
Deeq A.

Koronto la’aan baahsan oo maanta ka jirta Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (SMN) – Waxaa maanta Koronto la’aan xoogan ay ka jirtaa degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in gabi ahaanba la jaray Korontadii degmadaasi.

Arrintan ayaa timid, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay shirkad bixisa Korontada iyo maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeeelaha DHexe.

Dad dadka Shacabka ayaa haatan cabasho weyn ka muujinaya Koronto la’antaasi oo ku yeelatay saameyn xoogan.

Balcad waa magaalo istaraatiiji ah oo isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this