Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Beeleed khasaaro geystay oo ka dhacay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wanlaweyn (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal Beeleed maanta ka dhacay degmada Wanlweyn ee gobolka Sh/Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga degmadaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkani ku dhintay ilaa shan Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Sida la sheegay dagaalka ayaa salka ku haya dilal la xariira Aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana socda dadaallo nabadeed oo looga hortagayo xiisadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this