Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo maanta ka taagan Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne (SMN) – Xaalad kacsanaan ah ayaa kagu soo warramayaa in maanta ay ka taagan tahay gmagaalada Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xiisadani ayaa u dhexeyso mas’uul ku wada sugan Baladweyne, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha magaaladaasi.

Arrintan waxa ay timid, kadib markii xilka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo ka horyimid tallaabadaasi.

Dabageed ayaa sheegay in  Madaxweyne Waare uu Hiiraan ka leeyahay dano gaar ah, kuna tagri falayo dhaqaalaha gobolkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale guddoomiyaha cusub ee la magacaabay Cali Maxamed Caraale ayaa la sheegay in xabsi Guri haatan looga dhigay magaalada Baladweyne.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wax dhaq dhaqaaq ah uusan sameyn karin, guddoomiye Caraale oo uu xilkaasi  u magacaabay Madaxweynaha HirShabelle.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in isku dhacyo ay ka dhacaan halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this