Deeq A. Posted June 3, 2019 Mahadaay (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexye ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay kooxo Burcad ah ay dhac ugu geysteen Gaadiid Xamuul ah agagaarka degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Gadiidkan oo saddex ahaa ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen gobolka Hiiraan, waxaana raggaasi ay ku baarteen deegaanka Maquutaale ee gobolka Sh/ Dhexe. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in dhammaan dadkii la socday Gawaaridaasi laga qaatay wax alla waxii ay siteen. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in deegaankan oo hoos yimaada Mahadaay ay dhibaato ku hayaan kooxo hubeysan oo la sheegay in ay yihiin Burcad. Dhanka kale xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan HirShabelle ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlay dhacdadaasi. Inta badan waxaa gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe ka dhaca dhibaatooyin xoogan oo ay geystaan kooxo qooleysato ah oo ku sugan waddooyinka gobolladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites