Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo weerar ka fuliyay gobolka Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Al Shabaab maanta ay ku qaadeen saldhig Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ay ku leeyihiin deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex maray labadan dhinac.

Ilo wareedyo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dagaalku uu socday muddo saacado ah, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarkii ka horreeyay intaba.

Mana jiro weli wax war ah oo ay soo saareen Al Shabaab iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya, xilli saacadihii la soo dhaafay kolonyo ay la soceen Ciidamo ka tirsa kuwa Alfa Group qarax khasaare geystay lagula eegtay nawaaxiga deegaanka Bariire oo qiyaastii  65 KM K/Galbeedka xiga Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this