Sign in to follow this  
Deeq A.

Mike Pompeo Oo Shaaciyay In Marakanku Uu Diyaar U Yahay Wadahadallo Bilaa Shuruud Ah Oo Uu La Yeesho Iiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa sheegay in Marakanku diyaar u yahay wadahadallo uu Iiraan la yeesho oo bilaa shuruud ah.

c1dd0af7-dfc4-4496-bfe9-8c1db728d083.jpg

Pompeo ayaa hadalkaa ka sheegay dalka Switzerland oo uu booqasho rasmi ah ku marayo, dalkaas oo danaha Maraykanka wakiil uga ahaa Iiraan tan iyo sannadkii 1979.

Hadallada Pompeo ayaa u dhadhamayay sidii kuwo nabadeed, ka dib toddobaadyo ay cirka isku sii shareeraysay xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Tehran.

Balse baaqa wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanku ma u qalmaa in la dhoho waa mid aan shuruud lahayn, maadaa oo uu sheegay in Iiraan looga baahan yahay in ay caddayso in ay u dhaqmayso sidii dal caadi ah, isaga oo intaas ku daray in Maraykanku uusan joojinayn dadaallada uu wax uga qabanayo wax uu Pompeo ku tilmaamay tallaabooyinka halista ah ee Iiraan.

Xitaa haddii ay labada dhinac kulmaan, ma cadda waxa ay ka wada hadli doonaan.

Madaxweyne Trump ayaa isaga baxay heshiis uu sixiixay Obama oo muddo sannado laga xaajoonayay, kaas oo loogu talagalay in lagu xakameeyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan.

Iiraan ayaa sheegtay in aan loo baahnayn in heshiiskaas dib wada hadal looga galo.

Switzerland ayaa sheegtay in ay rajaynayso in ay mar kale dhexdhexaadiye noqoto, balse wasiirka arrimaha dibadda ee Switzerland ayaan la gaban sida dawladdiisu ay uga walaacsan tahay saamaynta ay shacabka Iiraan ku yeelan karto cunaqabataynta uu Maraykanku saaray dawladda.

Pompeo ayaanse sheegin wax bidhaaminaya in Washington ay rabto in ay dabciso cunqabataynta Iiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this