Sign in to follow this  
Deeq A.

Dilalka Ay Isku Geysanayaan Dhalinyarada Soomaalida Ee Dalka Mareykanka Oo Korodhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Waxaa cirka isku sii shareeraya walwalka iyo walaaca heesta Bulshada soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ku aadan is qaarijinta dhalinyarada Soomaalida.

155950446308fc9.jpg

Ma ahan wax ku cusub dalka Mareykanka in dhalinyarada soomaaliyeed ay is ugaarsadaan waxaana falkaan uu bilowday sanadkii 2007-dii, inkastoo hadane uu dib u soo laabtay sanadkii la soo dhaafay iyo sanadkaan Bartamaha ah oo aynu ku guda Jirno.

Culimada ku nool magaalada ayaa sheegay in aan la aqbali karin in dhalinyarada is dileysa la fiirsado waxaana ay ugu baaqeen in waalidiinta ay si dhow ula socdaan Ubadkooda.

Khudbadihii Jimcaha ayaa badi looga hadlay dilalka masaajidada waaweyn oo uu ka mid yahay Masjidka Abubakar Al-Sadiiq.

Dilkii ugu danbeeyay ayaa waxaa loo geestay laba habeen ka hor oo taariikhdu aheyd 31-dii May wiil lagu magacaabi jiray Xasan Ibraahim kaasi oo meydkiisa la dhigay isbitaal ku yaal magaalada Minneapolis.

Qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay Universal ayaa sheegay in ay ku jahawareersan yihiin wax ka qabashada Arintaan.

Waxay sheegeen in caruurta qaar aan la fahmi karin sababo la xiriira in ay dalka Mareykanka kaga soo horeeyeen waalidkooda halka qaarna ay cudur daar uga dhigeen fahamka luuqada.

Dhalinyarada ayaa iskula socda qaab kooxeysi ah oo ay isku Dilayaan.

Dalka Mateykanka ayaa ah dal si fudud lagu heli karo Hubka arintaan oo la soo sababeynayo sare u kaca dilalka Soomaalida.

Inkastoo sanad waliba dhibaatada ugu daran oo shacabka Mareykanka ay u dhintaan ay aheyd shilalka iyo daroogada ayaa hada kaalinta koowaad waxaa soo galay Toogashada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this