Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab Oo Lagala Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa sheegay in howlgallo ay ka wadaan gobolka Gedo ay kula wareegeen deegaanno ka tirsan gobolkaasi, kana saareen dagaallamayaal Al-shabaab ah.

Dhame Cali Maxamed, Taliyaha Ururka 49-aad ee ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidanku ay ku baxeen deegaanno hoostaga degmada Baardheere, islamarkaana si kooban ay ula dagaallameen Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay in meelaha ay ciidanku qabsadeen ay ka mid tahay Tuulada Cali Xareed oo uu sheegay iney Al-shabaab ku lahaayeen goob gaadiidka lacagaha looga qaado.

“Howlgalladeena waxay ahaayeen kuwo qorsheysan, waxayna ciidanku la wareegeen Tuulada Cali Xareed iyo deegaanno kale, nimanka argagaxisada ah waan daba soconnaa, howlgalkuna wuu qorsheysan yahay” ayuu yiri taliyaha.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal waxa ka jira in laga saarey deegaannadan, hase ahaatee ciidanka xoogga dalka ayaa waday howlgallo ka dhan ah ururkaasi.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this