Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqii hore ee Muqdisho oo si adag uga hadlay xiisadda dhuleed ee ka taagan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Duqii hore ee Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Xiisadda dhulalka dowladda ka dhalatay ee ka taagan Xaafaddo ka mid ah Muqdisho.

Mudane Taabit ayaa ku baaqay in si deg-deg ah oo nabadgaliyo la socoto loo xaliyo xiisadda, isla markaana aan loo bareerin daadinta dhiiga shacabka, isagoo xusay in ax walba oo keeni kara in la daadiyo dhiigga shacabka lagu xalliyo si nabad-galyo ah.

Haddaba, Qoraalka uu duqii hore ee Muqdisho kaga hadlay xiisadda Xamar ka taagan ayaa u qornayd sidan;

Arrimaha dhulalka danta guud oo ay dowladdu leedahay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaan ku baaqayaa marka dowladdu usoo baahato in Guddiga loo xilsaaray ay si nabad ah, dhimrin leh u wajahaan oo marwalba wadada nabadda loo maro oo uusan dhiig ku daadan. Gaar ahaan xasaradda ka taagan soonaha jaamacaddaha ilaa iyo Ex-kontorool Afgooye oo galabta shaqaaqo ka dhacday.

Waxaa lagu jiraa dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadan waana laga fiican yahay in dad shacab ah ku barakacaan dagaal dhiig ku daato, anigoo hubo in arrintaas wadahadal lagu dhameyn karo.

Sidoo kale, waxaan ku baaqayaa in waanwaan wax lagu xaliyo, la iskuna turo maadama aanan sinna la isku huridoonin.

Ugu dambeyn, Dhulka danta guud ee dowladdu u baahato iney ugu adeegto shacabka soomaaliyeed waxaa haboon in loo maro wado nabdoon oo aan abuurin rabshado iyo xasilooni darro, madaama qofka deganba uu yahay muwaadinka la doonaayo in loogu adeego.

PUNTLAND POST

The post Duqii hore ee Muqdisho oo si adag uga hadlay xiisadda dhuleed ee ka taagan Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this