Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo saaka ka taagan gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Baran (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa ku warramaya in saaka xiisad u dhexeysa Somaliland iyo Puntland ay ka taagan tahay gobolkaasi.

Xiisada ayaa la sheegay in ay ka dhalatay socdaal Wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Galan uu ku marayo qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Somalia.

Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen magaalada Baran oo uu ku sugan Wasiir Galan.

Sidoo kale Ciidanka Puntland ayaa halkaasi ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo Milatari oo ay uga hortagayaan kuwa maamulka Somaliland.

Xiisada u dhexeysa S/land iyo Puntland oo in muddo ah taagan, ayaa waxa isku hayaaan maamulida deegaano ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag iyo waqooyiga Somalia.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this