Sign in to follow this  
Deeq A.

Mowjado mudaharaadyo oo dib uga bilowday dalka Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan ayaa laga soo sheegaya mudaharaadyo xooggan oo mar kale dib uga bilowday dalka Suudaan sida ay soo werisay warbaahinta caalamka.

Boqollaal dibad-baxayaal  oo ka horjeeda hoggaanka militariga ayaa saaka oo Isniin ah buuxiyay  afaafka hore ee xarunta taliska ciidamada militariga iyo wasaaradda Gaashaandiga dalka Suudan ee magaalada Khartuum halkaasi oo ay haatan ka socdaan isku dhacyo u dhexeeya dibad-baxayaasha iyo ciidamada.

Ciidamada ayaa isku dayay in ay xoog ku kala cayriyaan mudaharaadyaasha oo xiray isu socodkii gaadiidka magaalada kadib markii ay buuxiyeen waddooyinka soo gala wasaaradda Gaashaandhiga iyo jidadka kale ee magaalada Khartuum.

Kooxaha ka horjeeda golaha ku meel gaarka militariga ee waddanka maamula ayaa ku baaqaya in isu soo baxyada la ballaariyo islamarkaana aan dheg loo jalaq-siin awaamiirta militariga dalka.

Guud ahaan magaalada Khartuum ee caasimadda Suudaan ayaa saaka gariiraysa mowjado dibad-baaxayaal ah oo ku dhawaaqaya ereyo ka dhana maamulka militariga ee dalka maamula.

PUNTLAND POST

The post Mowjado mudaharaadyo oo dib uga bilowday dalka Suudaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this