Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska-horimaad ciidammo kawada tirsan kuwa DF ku dhex-maray degmo ka tirsan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Ciidammo kawada tirsan kuwa Dowaldda Somalia ayaa ku dagaallamay goor-dhaw xaafadda Jaamacadaha oo ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, halkaasoo dhawaan ay dowladdu sheegtay in laga guuro.

Dhawaan ayay ahayd markii xukuumadda Somalia ay soo saartay amar ku aaddan in laga guuro dhismayaasha jaamacadaha dalka qaarkood, si dib loogu hawl-geliyo iyo in sidoo kale laga guuro xaruntii Madbacadda Qaranka si iyana dib loogu hawl-geliyo.

Tan iyo markuu amarkan soo baxay ayaa waxaa xaafadda Jaamacadaha ka jiray diyaar-garow ay ciidammo u abaabulan hab beeleed ugu jireen inay ka hor-tagaan qorshaha la doonayo in qoysaskooda looga raro halkaas.

Ciidamada uu dagaalka kooban dhexmaray oo watay gaadiid dagaal oo aad u fara badan ayaa waxay kala ahaayeen kuwo millateri ah iyo kuwo gaar ah oo uu tababaray Mareykanka, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo uu dhaliyay dagaalkan.

Xaafadda ay colaaddu kasoo cusboonaatay ayaa waxaa la sheegayaa inay ka jirto kacsanaan xooggan, waxaana xiisaddan ay cabsi weyn ku beertay shacabkii ku noolaa xaafaddaas, inkastoo ay ciidamada abaabulan ee kasoo horjeeda go’aankan ay ku adkeysanayaan inay iska difaaci doonaan cid walba oo doonaysa inay halkaas ka rarto.

Illaa hadda ma jir wax war ah oo kasoo baxay dhanka ha’yadaha amniga DF, kuwaasoo ku saasab dagaalka ka dhacay xaafadda Jaamacadda, inkastoo ay taliska booliiska Somalia horay u sheegeen in haddii dadkaas ay amarka qaadan waayaan xoog looga saari doono halkaas.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa dhawaanahan wadday qorshayaal ay ku doonayso inay dib ugu soo ceshato dhulkii dowladda si shacabka loogu adeego, balse waxay ku guul-darreysteen inay xeradii ciidamada badda ee Somalia ay ka saaraan Senator Muuse Suudi Yalaxoow daggan.

PUNTLAND POST

The post Iska-horimaad ciidammo kawada tirsan kuwa DF ku dhex-maray degmo ka tirsan Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this