Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegay ‘shaqada Maxamed Kheyre u hayay” ee ay u dileen

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Weerar lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Qaramada Midoobay, kaasi oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Al-Shabaab ayaa sheegay in Maxamed Cabdi Kheyre ay ku dileen magaalada Gaalkacyo, maadaama uu Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Amniga iyo Nabad galyada gobolka Mudug, sida ay ku sheegeen qoraal kasoo baxay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Maxamed Kheyre uu masuul ka ahaa amaanka dhamaan Shaqaalahada Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya deegaanada gobolka Mudug, waxaana dilkiisa ka dambeeyay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

“Mujaahidiinta ayaa Gaalkacyo ku dilay madaxii amniga iyo Nabad gelyada hay’adaha Qaramada Midowday ee Gobolka Mudug” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta dilalka iyo weerarada qorsheysan ee ka dhaca koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana ay dagaal adag kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Ciidamada amaanka ayaa wali ku raad jooga dadka ka dambeeyay dilka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee loo geystay Maxamed Kheyre, iyadoo aysan jirin cid ilaa iyo hadda loosoo qabtay weerarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this