Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Caro ka dhalatay ‘xus gaf ku ah dhaqanka oo lagu qabtay Hargeysa’

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Yuusuf Cismaan Cabdule Shaacir oo kamida Abwaanada Somaliland, ayaa waxa uu dhaliilay xus ay qabatay Xarunta dhaqanka ee Hargeysa, kaasi oo loogu magac daray “Maalinta caalamiga ah ee Fayo-dhowrka caadada”.

Yuusuf Shaacir oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Xarunta dhaqanka ee Hargeysa ay ku gaftay dhaqanka Somalida, isagoona ka dhawaajiyey inuu dacwad ka dhan ah ka gudbiyey Xaruntan.

Abwaan Shaacir ayaa sidoo kale waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu arrintaasi ka qaado talaabo adag, isagoona sheegay inay tahay arrin wax u dhimeysa Diinta, wuxuuna yiri:

“Kulankaa waxa loogu Magac-daray ‘Maalinta Caalamiga ah ee Fayo-dhowrka Caadada haweenka’ arrinkaasi wuxuu ahaa arrin ku cusub Dadka, dhaqanka iyo Diintaba. Facebook-gooda markaa gasho waxa ku sii qoran aynu jabino deyrka ka hadal la’aanta Caadada Dumarka”.

“Caadadu waynu ognahay waa wax Caafimaadka Dumarka la xiriira oo Diinteedu si wanaagsan oo asturan uga hadashay, laakiin in Xaflad loo sameeyo oo la yiraahdo maalin baa lagu xusayaa gaar ah, waa wax aad u cajaa’ib ah oo innagu soo kordhay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Meelo badan baan u gudbiyey Dacwadda, waxaan u gudbiyey Wasaaradda Warfaafinta oo kale, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Labada Gole ee Baarlamaanka Guddiyadooda anshaxa waanu u gudbinay, Ciddii kale ee ay khusaysana waanu u gudbinaynaa, sida Guddida wanaag-farista”.

“Madaxweynahana halkan farriin baan uga gudbinayaa ah, wuxuu ku dhaartay inuu ilaalinayo Diinta, Dalka iyo Dadkaba, markaa inuu arrintaa Tallaabo ka qaado ayaan farriin ugu dirayaa”.

kulanka.jpg Xarunta.png

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this