Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Would You Cut it To Avoid Zina ??

Recommended Posts

hadhwanaag 2008-04-14 (Hadhwanaagnews) Ka dib markii Booliiska lagu wargaliyey in u jiro nin xubintiisii taranka iska gooyey ayey si deg deg ah Booliisku ku soo gaareen Gurigii uu daganaa Faraj oo aan markii horeba Saldhiga Booliiska sidaasi uga fogayn, waxayna Booliisku isku dayeen inay badbaadiyaan Wiilkan ayagoo isla markiiba Isbitaalkii ugu dhawaa ula cararay si Dhiig joojin loogu sameeyo, waxayna Dhaqaatiirku ku guulaysteen in Dhiig joojin lagu sameeyo Faraj oo xaaladiisu u muuqatay mid Khatar weyn ku sugnayd Farahana kasii bixi lahayd hadaan markaas wax laga qaban lahayn.

 

Nasiib wanaag markii Dhaqaatiirku ku guulaysteen in ay joojiyaan Dhiigii faraha badnaa ee ka qubanayey Faraj Dawadii uu u baahnaana la siiyey in muddo ahna uu Isbitaalkii ku jiray ayey Dhaqaatiirku u fasaxeen Wiilkan in Guriisii lagu celiyo si uu Dawada u dhimana halkaas ugu soo qaato, wuxuuna Faraj sidaas ku aaday Gurigiisii asagoo sidii hore dhaama, waxaana markaas ka dib magaalada soo galay warka Murugada iyo la yaabka leh ee sheegayey in uu jiro nin xubintiisii taranka si Qasad ah Midi isaga jaray, waxaana lagu wareeray markii hore ninka dhacdadaan ku dhacday sidii lagu heli lahaa, magiciisa, meesha laga heli karo iyo halka uu ka dagan yahay magaalada Qaahira.

 

Saacado ka dib ayaa Saxaafada dalkan Masar waxay safaf dhaadheer u galeen Isbitaalkii lagu daweeyey faraj si ay wax uga ogaadaan khabarkaas la yaabka leh ee ka dhacay isla magaalada Qaahira, waxaana Wariyayaal badan u suura gashay in ay helaan cinwaanka Guriga uu dagan yahay Faraj oo ah ninka ay dhacdadaan la yaabka lihi ku dhacday.

 

Guriga uu dagan yahay faraj oo ku yaala Xaafada Buuralayda ah ee (Manshiyadu Naasir) ayaa Wariyeyaashu socod saacado qaatay ku tageen maadamaa xaafadaasi ay tahay meel Buuraaleey ah oo Baabuurtu aanay si sahal ah ku gali karaynin, waxayna halkaas kula soo kulmeen Faraj.

 

Hadaba Wariyayaashii tagay Guriga faraj waxaa ka mid ahaa Wariye ka socday Jariidada Al-xawaadith oo inta badan wax ka qorta dhacdooyinka kala duwan ee ka dhaca dalka Masar, dalalka Carabta iyo kuwa Caalamkaba, wuxuuna Wariyahaasi garaacay Al-baabkii Gurigii uu daganaa Faraj oo ka koobnaa sida Wariyuhu sheegay hal Qol, Fadhi iyo Musqul yar, waxaana Al-baabka iga furay buu yiri Wariyuhu nin dheer oo dhalinyaro ah, waxaana islamarkiiba gartay buu yiri Wariyuhu in ninkani yahay Faraj madaamaa labadadiisa lugood ay ka muuqdeen Dhiig aan sidaasi u badnayd.

 

Waxaa uu yiri Wariyuhu ''Faraj markuu arkay in aan Wariye ah ahay wuxuu igu yiri asagoo iskay baraya '' nacam ninka xubintiisii taranka iska jiray aniga weeye'' ka dibna Gacanta ayuu i qabtay wuxuuna i galiyey Qolkii uu daganaa oo ay dhexyaaleen xoogaa Kutubo diini ah iyo hal Sariir, wuxuuna iga codsaday in aan Sariirta ku fariisto maadaamaa aan asaga Marti u ahaa asaguna Dhulka ayuu fariistay asagoo i waydiiyey waxa aan rabo in aan ogaado.

 

Su'aashii ugu horaysay ee ninkaas Warihu waydiiyey waxay ahayd sababta ku kaliftay in ninkaasi uu iska jaro xubintiisii taranka ee jirkiisa ugu qiimaha badnayd?.

 

Wuxuuna ku jawaabay Faraj asagoo faahfaahinka bixinaya arintaas '' dhowr sano ka hor ayaan guursaday Gabar gabadhiina waxay ii dhashay Gabar ka dibna xaaskaygii waan kala tagnay ka dib markii uu nasoo kala dhex galay khilaaf sababtiisu ahayd Hanti yaraan iyo Faqri, waxaana mudo ka dib igu dhalatay in aan falkaan ku kaco maadaamaa aanan Guur awoodin naftayduna ay danaynayso in ay xaaraan ku dhacdo, waxaan go'aansaday in aan naftayda shaydaankeeda ka takhaluso intaysan iyadu iga takhalusin''.

 

Wuxuuna sheegay wiilkaasi in ay ahayd arinta ugu weyn ee uu dhacdadaas u sameeyey ka dib markuu ka baqay in uu Sino ku dhaco ka dibna uu mutaysto Cadaab Rabi maadaamaa ay Sinadu Islaamka Xaaraan ka tahay.

 

Faraj oo mar kale la waydiyey sida iyo qaabka uu isaga jaray xubintiisa taranka?.

 

Waxa uu ku jawaabay '' waqti laga joogo 4 sano ayaan iska jaray qayb ka mid ah xubintayda taranka, waxaana u adeegsaday Midi ka dibna waxaan dareemay in naftaydu ay rabto in ay Sino kale gasho markaas ayaan go'aansaday in aan ka takhaluso dhamaan xubintaydii taranka,asagoo sheegay in uu dhiig joojin ahaan u isticmaali jiray Daawo aan sidaasi u tayo badnayn oo uu Farmashiyeyaasha kasoo iibsan jiray.

 

Sidee dareenkaagu yahay mar la weydiiyey wuxuu ku jawaabay ''waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ka adkaaday Shaydaankii xanuunka dhan i halmaansiiyey" asagoo intaas ku daray in uu aad u faraxasan yahay maadaamaa uu yahay xor oo uusan jirin Shaydaan ku hogaaminaya danbiyada Sinadu ugu wayn tahay.

 

Ninka falkaan ku kacay oo ah nin Islaam ah ayaa dadka qaarkood waxay sheegeen in aanu ninkani caadi ahayn isla markaana wax si ka ahaayeen markuu falkaan ku kacaayey, waxayna sheegeen in ay jirto Dariiqado kale oo ka fududaa kana sahlanaa mida uu doortay ninkani oo looga badbaadi karo in qofku Sino ku dhaco.

 

Qof kasta oo bini'aadam ah ayaa waxaa ku abuuran Shahwo, wuxuuna u baahan yahay qofkaasi inuu helo meel uu Shahwadaas ku guto, waxayna Diinteenu qabtaa in Qofku markuu waxaas oo kale dareemo uu Guursado si aanu Sino ugu dhicin hadii uu awoodi waayo Guurkana waxay Diintu qabtaa in uu Soomo si uu uga nasto dhibaatada uu tabanaayo laakiin Diintu ma qabto in Ficilkaan oo kale lagu kaco ayadoo Danbi laga cararaayo, waxayna la mid tahay adigoo galay Danbigii aad ka cararaysay mid kasii weyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Before i read the article i thought he is from Asia as i expect such action mostly from there. But again Egypt is not any better, they have weird Fatwahs.

 

I think he was not mentally fit ,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Those Arab shaxaaris, always walking around letting thier d*ck control everything! Ish, ha iska gooyee dhaaf. Intuu wax rape gareen lahaa. He obviously has no mind of his own to control himself and what his thoughts and feelings are. Good riddance, we say. One less shaxaari carab to worry about.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this