Sign in to follow this  
Deeq A.

Maayarka Laascaanood Oo Ka Warbixiyey Roob Korontadii Ka Jaray Magaaladaas

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha degaanka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa ka warbixiyey roobab waaweyn oo ka da’ay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo sidoo kalena kormeeray qaybaha kala duwan ee magaalada Laascaanood.

LAASCAANOOD.jpg

Maayarka ayaa sheegay in roobabkani ay ahaayeen kuwo xoogan, kuwaas oo sababay in ay korantadu magaalada ka tagto, laakiin ay saaka dib u soo noqotay korontadii, waxaanu maayarku caddeeyey in sababo amni dartood loo damiyey korontada, iyada oo xadhkaha magaalada dhexdeeda mara qaarkood ay soo dhaceen.

Ilaa hadda ma jiro wax khasaare ah oo uu roobkaasi geystay sida uu Maayarku u sheegay Weriyaha Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama gobolka Sool Barkhad Cumar Axmed.

Shacabka ku dhaqan degmooyinka magaalada Laascaanood ee uu maayarku la kulmay ayaa iyaguna warbixinno ka siiyey roobabkaasi ka da’ay magaalada iyo sida ay xaaladda degmooyinkaasi tahay, iyaga oo soo dhoweeyey kormeerkan maayarku ku maray magaalada Laascaanood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this