Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in dowladda Soomaaliya cabasho ka gudbisay heshiiska Puntland iyo shirkadda CCECC?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda arrimaha debadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in ay cabasho ka gudbisay heshiis ay xukuumadda Puntland shalay la saxiixatay shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha oo ku saabsan fulinta mashaariic dhanka kaabayaasha dhaqaalaha.

Qoraal saaka ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo ay ku qorontahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay cabasho la xiriirta heshiiskaasi u gudbisay safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay caddeynaysaa in warqadda lifaaqa ah ee lagu baahiyay Warbaahinta Bulshada aanay ka soo bixin Wasaaradda, sidaas awgeed ay tahay been abuur la dhoo-dhoobay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalka wasaaradda ayaa ku soo beegmay xilli baraha bulshada lagu faafiyay warqad ay ku qorantahay in xukuumadda Soomaaliya ay dalka Shiinaha u gudbisay cabasho ku aaddan heshiiska fulinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland la geshay shirkadda CCECC.

FAKE.png?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka jira in dowladda Soomaaliya cabasho ka gudbisay heshiiska Puntland iyo shirkadda CCECC? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this