Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad lagu laayay toogasho ka dhacday Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska dalka Maraykanka ayaa goor dhoweyd sheegay in ugu yaraan 11 ruux ay dhinteen 6 kalena dhaawacmeen kadib markii nin hubaysan uu toogasho ka geystay xarunta dowladda hoose ee degmada  Virginia Beach oo ku taalla gobolka Virginia ee dalkaasi Maraykanka.

Qofka toogashada geystay oo ka tirsanaa shaqaalaha waaxda adeegga dadweynaha degmada Virginia Beach ayaa isna markii dambe Booliisku toogtay sida uu sheegay taliyaha Booliiska degmadaasi oo lagu magacaabo James Cervera.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Booliisku ay weli  baaritaan ku hayaan dhacdada islamarkaana ay faahfaahin buuxda ka bixin doonaan markii ay baaritaanka soo dhammeeyaan.

Sidoo kale duqa degmada Virginia Beach Bobby Dyer oo shir jaraa’id qabtay ayaa dhacdada ku tilmaamay “tii ugu xumayd ee soo marta taariikhda degmadiisa” isagoo u tacsiyeeyay dadka eheladooda ku waayay toogashadaasi.

PUNTLAND POST

The post Dad lagu laayay toogasho ka dhacday Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this