Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dalacsiisay saraakiishii ciidamada ee kasoo goostay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa dalacsiiyay saraakiishii ciidamada ee dhawaan kasoo goostay Somaliland, kuwaasi oo isku dhiibay Puntland, waxaaana munaasadda lagu dalacsiinayay ka qeyb galay wasiirka amniga Puntland.

Wasiirka amniga Puntland C/Samad Maxamed Galan ayaa ka qeyb galay munaasabad ka dhacday deegaanka Bali-Busle, waxaana lagu dalacsiiyay saraakiisha hogaamineysay ciidamada kasoo goostay Somaliland.

Wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Gallan ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay ballanqaaday xuquuqaha iyo mushaharaadka Ciidamada ka soo goostay Somaliland.

“Puntland waxay jirtay 20 sanno, waxaa jiray taariikho adag oo inna soo maray, laakiin maanta waxay inna ilowsiinaysaa, oo inna hilmaamsiinaysaa taariikhigii madoobaa ee Puntland soo maray, waxaan rajaynaynaa in Sanaag ay Tusaale u noqon doonto gobolada kale ee Somaliland dhibka ku hayso ee Sool iyo Cayn” ayuu yiri wasiir Galan.

Seddex kamid ah saraakiisha ciidamada hogaamineysay ayaa la dalacsiiyay, waxaana ay kala yihiin:-

Taliyihii Guutada 93-aad ee Ciidanka Somaliland Gaashaanle Dhexe Xuseen Faarax Aadan, waxaa loo dalacsiiyay Gaashaanle Sare.

Taliyihii Guutada 116-aad Gaashaanle Dhexe C/rashiid Axmed Jaamac , isaguna waxaa loo dalac siiyay Gaashaanle Sare.

Taliyihii Ururka Koowaad ee aagga Dhahar Gaashanale Jaamac Cabdi Geesood, waxaa loo dalac siiyay Gaashaanle Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this