Sign in to follow this  
Deeq A.

Aminga degmada Kaaraan oo aad loo adkeeyay kadib baahintii Caasimada Online

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Todobaadka kadib markii ay Caasimada Online baahisay in dayacaad amni ay ka jirto xarunta degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir ayaa waxaa is badal lagu sameeyay dayacaadii ay baahinay oo ay sameeyeen hey’adaha amaanka.

Ciidamo isugu jira Booliis iyo Milateri ayaa la geeyay xarunta degmada Kaaraan,  waxaana loo sameeyay ugu yaraan 3 kontarool oo ku yaala agagaarka xarunta degmada iyo horteeda.

Ciidamada la keenay xarunta degmada ayaa billaabay in ay baaraan gaadiidka soo gala xarunta degmada, kuwa mara wadada hormarta albaabka xarunta waxaana sidoo kale la waydiiyaa aqoonsiyo la xariira wadayaasha gaadiidka.

Dhagaxaan iyo biro waa-wayn ayaa lagu horgeeyay dhismaha degmada waxayna tan ay rajo gelisay dadka Soomaaliyeed oo markii hore u arkay in uusan jirin feejignaan amni maadaama ay dalka ka jirto qatarta maleeshiyada Al-Shabaab oo laaya dadka bir-magaydada ah.

Caasimada Online ayaa todobaad ka hor daabacday in mas’uuliyiinta amaanka iyo maamulka gobalka Banaadir ay dayaceen amaanka xarunta degmada Kaaraan waxayna taasi dhalisay in laga jawaabo baahinta Caasimada Online.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta amaanka waxaana muuqata in hadda ay Kalsooni soo gashay shacabka dagan iyo kuwa ag-dhow xarunta degmada oo markii hore walaac qabay.

Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka fuliya dilal iyo qaraxyo ay ku dhamaadaan dad badan oo shacab ah. Si gaar ah Al-shabaab waxay u beegsadaan dadka shacabka ah ee isugu jira Haween iyo Carruur.

Dilkii ugu dambeeyay uguna xanuunka badnaa Al-Shabaab waxay fuliyeen degmada Yaaqshiid waxayna masjid dhaxdiisa ku dileen Nabadoon Ibraahim Cariif oo aqrisanayay kutub qur’aanka Kariimka ah. Sidoo kale Al-Shabaab waxay toogtayn kutubka qur’aanka iyagoo kabaha la soo galay guri Alle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this