Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Caddaalada Somaliland oo ka fekeraya in uu iscasilo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in hoggaanka dhaqanka bariga gobolka Sanaag ay laba jeer ka dalbadeen wasiirka Caddaalada Somaliland in uu iska casilo xilkaasi.

Wasiirka oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa hoggaanka dhaqanka u sheegay in uu tixgelin mudanyahay dalabkooda balse ma caddeyn in uu iscasilayo iyo in kale.

Xubno ka tirsan Beeshiisa ayaa sheegay in wasiirku uu si ixtiraam ku dhisan u hadlay laakiin aan la ogayn go’aanka uu ka qaadan doono dalabka odoyaasha iyo waxgaradka.

Arrintan ayaa ku soo beegmatay xilli maalmo ka hor  taliyaal iyo ciidamo ay hoggaaminaya ay ka soo baxeen ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag iyagoo si rasmiya ugu biiray dhanka Puntland.

Sidoo kale guddoomiyihii gobolka Badhan ee Somaliland ayaa shalay ku soo biiray Puntland kadib markii uu iska casilay Somaliland.

Degaanno ka tirsan gobolka Sanaag waxa hadda ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Caddaalada Somaliland oo ka fekeraya in uu iscasilo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this