Deeq A. Posted May 30, 2019 Afmadow (SMN ) – Xarakadda Al Shabaab ayaa sheegtay in weeraro saf ballaaran ah ay ku qaaday Saldhigyo Militari oo ku yaal degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose. Iska hor imaadyo xooggan ayey sheegeen in xalay ay gudaha degmada iyo hareeraheeda ku dhaxmareen Ciidamada Huwanta ah iyo xoogagooda. Al Shabaab ayaa guullo ka sheegtay weeraradaasi, waxaana ay sheegeen in gabi ahaanba ay la wareegeen xarumo Ciidan oo ku yaalla halkaasi. Sidoo kale Al Shabaab waxa ay shaaciyeen in dagaal muddo saacado ah socday ay Ciidamadoodu la galeen kuwa Kenya ee Saldhigga ku leh duleedka degmadaasi. Dhinaca kale ma jiro waxa hadal ka soo baxay Taliska Ciidamadda Jubbaland oo ku aadan weerarkan iyo sheegashada Al Shabaab. Inta badan iska hor imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Jubaland, kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab ayaa ka dhaca gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites