Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Shaaca Ka Qaaday Cidda Ka Dambeysa Weerarkii Lagu Qaaday Maraakiib Mareysay Xeebta Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-La-taliyaha Amniga Qaranka, John Bolton ayaa sheegay in tahay wax huban in Iran ay mas’uul ka ahayd weeraro horaantii bishan lagu qaaday maraakiib mareysay xeebta dalka Imaaraadka Carabta.

155915481031e1b.jpg

Bolton ayaa warkan weriyayaasha ugu sheegay magaalada Abu Dhabi oo uu u joogo wada-hadallo amni oo uu ugu yeeray “kuwa muhiim ah oo waqtigooda kusoo aaday” balse ma soo bandhigin wax caddeymo ah.

Iran ayaa hore u beenisay inay mas’uul ka tahay weeraradaas.

Xiisadda ka dhex oogan Iran iyo Mareykanka ayaa kasii dareysay toddobaadyadii dhowaa tan iyo markii madaxweyne Trump uu ku dhowaaqay inuu doonayo inuu meesha ugu hooseyso geeyo saliidda Iran ay dhoofiso, oo dhaqaalaheeda uu ku tiirsan yahay.

Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa Bolton iyo shakhsiyaad kale ku eedeeyey inay dagaal u ololaynayaan, islamarkaana maamulka madaxweyne Trump uu filanayo “aragagixisanimo dhaqaale.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this