Deeq A. Posted May 28, 2019 Cabdicasiis (SMN) – Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa xalay guul taariikhi ah ka gaartay dhiggeeda degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Labada degmo ayaa muujiyay karti iyo dadaal xoogan, hayeeshii waxa ay guushu raacday tartamayaasha degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho. Cabdiciis waxa ay keensadeen 10 buundo, halka Afgooye ay la timid dhibco gaaraya 6, sida uu ku dhawaaqay natiijada guddoomiyaha tartanka Maxamed Axmed Jimcaale. Degmada Cabdicasiis guushani waxa ay ugu soo gudubtay wareega 8 dhamaadka ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Wareegan oo caawa laguda gali doono ayaa waxaa iska xaadiriyay illaa 8 degmo oo kal ah, Howlwadaag, Kaxda, Dharkenley, Xamar Jajab, Xamar Weyne, Cabdicasiis, Shibis iyo deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud. Kulanka ugu horreeya ee caawa ayaa waxaa isku beegan degmada Howlwadaag iyo deegaanka Bargaan oo ka soo kala baxay Group-yada A iyo C ee tartanka. Waxaa sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle abaal marinaya degmooyinka shirkadaha ganacsiga Beco iyo Coca-Cola. View the full article Share this post Link to post Share on other sites