Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Somaliland oo ku heshiiyay maxaabiis is-weydaarsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Puntland iyo Somaliland ayaa saxiixay heshiis kooban oo maxaabiis isweydaarsi ah kaasi oo ay fududaysay hay’adda caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC).

Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in heshiiskani oo khuseeya maxaabiista dagaalkii Tukaraq ay aqbaleen labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland kadib markii ay u kala dab-qaadday hay’adda ICRC.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Puntland iyo Somaliland si rasmiya ugu heshiiyeen in ay maxaabiista dagaalkii Tukaraq is-weydaarsadaan maalinta Isniinta ah ee ku beegan 3 bisha June ee soo socota.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Somaliland oo ku heshiiyay maxaabiis is-weydaarsi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this