Deeq A. Posted May 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxayA khasaaraha ka dhashay qarax Miino oo maanta ka dhacay waddada xiriirisa Ex Koontarool Afgooye iyo Xoosh ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaari nuuca Baradada aah oo la sheegay in ay laheyd hay’ad Samafal. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in qaraxaasi uu ku dhintay mid ka mid ah howlwadeenada hay’addaasi. Ma cadda u jeedada rasmiga ah ee loo bartilmaameedsaday shaqsigaasi, hase ahaatee waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Illaa iyo haddase ma jiro wax faah faahin ah oo ay Saraakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen qaraxaasi. Inta badan waxaa weerarada ceynkan oo kale ah sheegta Al Shabaab, waxaana qaraxan uu ku soo aadayaa, xilli barqanimadii maanta qarax Ismiidaamin ahaa uu ka dhacay agagaarka taalada Daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee G/ Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites