Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen Oo Mar Kale Weeraray Garoon Ku Yaalla Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Telefishinka Al-masirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda xuutiyiinta ayaa saaka baahiyey inay diyaarad nooca Darooniska ku weerareen Garoonka magaalladda Najraan ee K/Glabeed ee Sacuudiga, kuna dhow xuduudka Yemen.

duqeyn1.jpg

Xuutiyiinta waxay sheegteen inay Diyaaradaasi la beegsadeen Hangar ay yaalleen Diyaarado Dagaal, balse ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay duqeyn loo adeegsaday Diyaaradda Darooniska.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga iyo Isbahaysiga Millateri ee Sacuudiga weli kama ayna hadlin sheegashadda cusub ee Kooxda Xuutiyiinta ku weerareen Garoonka Diyaraadaha ee Najraan.

Shalay ayey ahayd, markii ay Kooxda Xuutiyiinta ku weerareen Diyaarad Daroon ah Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Najraan oo 840-KM dhanka K/Galbeed kaga toosan Caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh.

Afhayeenka Isbhaysiga Scauudiga, Kolonel Turki Al-maaliki waxa uu Kooxda Xuutiyiinta uga digay inay la kulmi doonaan fal-celin aad u xoog badan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this