Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka qarxay gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degaanka Damalla Xagarre ee koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in hadda uu halkaasi ka bilowday dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalku uu bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar ku qaadeen wefdi uu hoggaaminayo wasiirka waxbarashada Puntland oo marayay degaanka Damalla Xagarre balse weli faahfaahin lagama hayo khasaaraha dagaalkaasi.

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa maalmahan ku sugnaa degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag isagoo kormeer ku samaynayay xarumaha ay ka socdaan imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland.

Faahfaahinta kala soco Puntland Post

The post Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka qarxay gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this