Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Axmed Madoobe oo la siiyey damaanad qaad la xiriira doorashada Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo gaaray Madaxa ugu sareeya Ciidamada AMISOM Amb. Francisco Madeira iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM  Jen Tigabu Yilma oo ah nin u dhashay dalka Itoobiya.

Waxaa madaxdaan Garoonka Kismaayo kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa.

Wafdigaan iyo Axmed Madoobe ayaa yeeshay kulan xasaasi ah oo ka dhacay Madaxtooyada Jubaland.

Madaxda AMISOM ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay inaysan jirin isbadal lagu sameyn doono qaab dhismeedka CIidamada AMISOM ee Jubbaland.

Sidoo kale waxay AMISOM shirka jaraa’id ka sheegeyn oo ay Axmed Madoobe u damaanad qaadeen inaysan wax faragelin ah ku sameyn doonin Doorashada dhawaan ka dhici doonto Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la isku raacay sidii howlgalada amniga laa xoojin lahaa iyadoo la isku furayo wadooyinka ay xireen Al-Shabaab.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in Arimaha doorashooyinka la isla soo qaaday la iskuna raacay in Hay’adaha Amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga Doorashooyinka.

Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu qorshaynayo sidii Ciidamada Soomaalida loogu wareejin lahaa Amniga dalka waxaa uu intaas ku daray in wararka la isla dhexmarayo ee la xiriira in is badal lagu sameeyay Ciidamada AMISOM ee jooga Jubbaland ay yihiin waxba kama jiraan dhamaana ay ahaan doonan sidii ay markii hore u howlgalayeen.

AMISOM ayuu wakiilku sheegay in ayna faraha la galaynin Arimaha doorashooyinka wixii kaalmo ah ee Jubbaland ay uga baahatana ay la garab taagan yihiin wuxuu xusay in ay rajaynayaan in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Jubbaland.

6-25.jpg 5-37.jpg 4-46.jpg 2-64.jpg 3-57.jpg 1-64.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this