Deeq A. Posted May 18, 2019 Haregysa (SMN) – Xaflad balaaran oo lagu xusayay 18-ka May oo ah Maalin Somaliland ugu suntan in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’day ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Ciidamada qalabka sida ee Somaliland oo ka kooban Militari, Boolis, Sirdoon, iyo Asluub ayaa Cutubyo ka tirsan waxaa ay munaasabaddani ku soo bandhigeen Dhoolatus iyo Awoodooda Ciidan. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha xukuumadda, Barlamaanka, iyo Golaha Guurtida iyo sidoo kale dadweyne tiro badan ayaa ka qeyb galay xuska 18-ka May. Ugu horreyn Muuse Biixi aya Khudbad dheer oo ka hadlaysa Taariikhda maalintan, iyo marxaladihii ay soo martay Somaliland ka jeediyay madasha Xafladd. Waxa uu Khudbaddiisa ku soo hadal qaaday wada hadalladda Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana uu shaaciyay in la joogo xilligii la kala guri lahaa Soomaaliya iyo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale Madaxweyne Biixi ayaa sheegay dhibaatooyinka ay ka tirsanayaan Soomaaliya in ay uga sii daran tahay Aqoonsiga muddada 28-ka sano ah laga hortaagan yahay. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan waxba tarayn is jiid jiid iyo khilaaf, wuxuuna ku baaqay in Soomaaliya ay ku taageerto Somaliland sidii ay u noqon lahayd dal madaxbanaan. Sanadkii 199-kii ayey Somaliland ku dhawaaqday in ay Jamhuuriyaddii la isku oran jiray Soomaaliya ka goosatay , waxaana Caasimadna looga dhigay magaalada Hargaysa. View the full article Share this post Link to post Share on other sites